Wadahadallada Mooshinkii Madaxweynaha Laga Soo Gudbiyay oo Maanta ka dhici doona Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Maanta Lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka dhaco kulankii wadahadalka ahaa ee ku saabsanaa Mooshinka 12-bishii Hore losoo Gudbiyay Baarlamanka soomaliya

Gudoomiyaha baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari oo saxaafada kula Hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maanta uu dhici doono kulanka wahadalka arimaha Mooshinka Kadib hakad Ku Yimid dhicidiisa

Maxamed sheikh cusmaan Jawaari  Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya ayaa sidoo kale ugu Baaqay xildhibaanada saxiixay mooshinka in ay kasoo qeyb Galaan kulanka Maanta ka dhici doona Magaalada Muqdisho

Dhawaan ayay aheyd Markii uu Hakad Ku Yimid kulankii ka dhici lahaa Magaalada Muqdisho kadib markii uu Guddoonka Baarlamanka soomaliya uu sheegay in kulanka uu u Baaqday Codsi kaga Yimid Raisulwasaaraha soomaliya oo kamid ahaa Madax ka qeyb gali laheyd kulanka

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here