Kooxda Beyer Munich ayaa shaacisay in macalinka reer Talyaani ee Carlo Ancelotti uu yahay shaqsigii Badali Lahaa Macalinka reer Spain ee Pep Guardiola kasoo ka dhaqaaqaya kooxda markuu dhamaado xili ciyaareedkaan,
Ninka ugu sareeya kooxda beyer Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa saxaafada u sheegay in Maamulka kooxda Beyer Munich ay isku raaceen in shaqada kooxda Beyer loo dhiibo Macalin Ancelotti markuu dhamaado xili ciyaareedkaan.
Macalinkii Hore ee kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa xili ciyaareedkaan lala xiriirinayaa shaqada kooxda Manchester City isagoona intuu uu ku sugnaa dalka Germany kula guuleystay kooxda Beyer Munich 2-horyaalka Bundesliga , 1-DFB-Pokal, Uefa Super Cup iyo Fifa Club World Cup,

