Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan deg deg ah iskugu yeeray xubnaha golihiisa Xukuumada, kaas oo ka dhacaya maanta magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Aqalka Madaxtooyada ayuu ka dhacayaa shirkan, kaas oo looga hadlayo arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo Qorshayaal cusub oo golaha la horgeyn doono.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa bishii ugu dambeysay ku maqnaa gudashada waajibaadka Xajka iyo dalka Imaaraatka Carabta oo uu soo maray, waxaana lafilayaa in ay arrimo badan ka wada hadlaan.
Wasiiradda maamulka Puntland ayaa gaaray magaaladda Boosaaso, ka dib markii looga yeeray waxayna ka qeybgalayaan shirkan oo muhiim u ah hanaanka shaqooyinka.

