Kooxo Hubeysan ayaa Goordhaweyd rasaaseeyay gaari uu watay taliyaha Nabad-Sugida degmada Kaxda oo marayay Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Gaariga uu watay taliyaha ayaa marayay Xaafada Xoosh, waxana la sheegay in uu ku dhaawacmay taliyaha Nabad-Sugida Kaxda iyo laba ka mid ah ilaaladiisa sida goob-joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba .
Ragii fuliyay weerarka ayaa goobta isaga baxsaday waxaana ggaaray Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya.

