Shirka gollaha wasiiradda Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne K/xigeenku c/xakiim Cabdullaahi xaaji Cumar ayaa lagaga dooday dhibaatadda ka taagan shilinka Soomaaliga.
Golluhu wuxuu ugu dambayntii go’aan ka soo saaray lacagta la qaadanayo iyo midda aan la qaadanayn, waxayna sheegeen in Puntland laga ogolyahay oo kaliya isticmaalka lacagta tayada leh.
“Gollaha xukuumadda Puntland ayaa soo saaray go’aamo ku aadan lacagta shilling Soomaaliga ah ee laga isticmaalayo Puntland waxayna golluhu sheegeen in Puntland laga oggol yahay lacagta tayada leh ee isticmaalka ku jirta, islamarkaana laga mamnuucay Puntland isticmaalka lacagta been abuurka ah, midda aan tayada lahayn ee duugga ah” ayaa lagu yiri warsaxafadeedkii ka soo baxay shirkii gollaha wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay caasimadda Garoowe.
Ganacsatada iyo dadweynaha Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka cabanayay lacag duug ah oo soo buuxdhaafisay suuqyadda, taasi oo ganacsatadu ay diideen inay qaataan oo isticmaalaan, waxaa kaloo lacagtaasi diiday inay cashuur ahaan u qaataan Dowladaha hoose iyo waaxda cashuuraha beriga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Lacag ka badan 10 Bilyan oo shilin Soomaaliga duug ah ayaa haatan taala bangiga Garoowe, taasi oo ahayd mid duug ah oo ay qabteen ciidamadda ilaalada Kontorooladda Puntland, waxaana laga keenay goboladda koonfureed ee dalka, iyadoo la doonayay in la soo geliyo suuqyadda, mana cadda sida laga yeeli doono lacagtaasi oo haatan u muuqata in gebi ahaanba laga diiday suuqyada Puntland.

