Maxamuud Cilmi Gullaafe Waa Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in xilligan aysan wax muuuqda ka qabankarin xiisadaha ka jira deegaanada Miyiga ah ee gobolkaasi ciidamada isku dhafka ah ee dhawaan laga dhisay magaalada Gaalkacyo.
Sababta ayuu ku sheegay in ciidankan oo ka kooban 100-Askaro aysan haysan hub iyo saanad ku filan taa badalkeedana Maleeshiyo beeleedka iska soo horjeeda ay haystaan hub iyo ciidan ka badan sidaa awgeedn aysan tagi karinba goobaha lagaa yabo inay ku dagaalamaan.
Dowladda Soomaaliya ayuu ku dhaliilay inaysan ka fakrin qaabkii ay ku hawlgalilahaayeen ciidankaasi oo ku kooban magaalada Puntland iyo galmudugna aysan xil gaara iska saarin daryeelka ciidamada isku dhafka ah.
Waxaa uu soo jeediyey Taliye Maxmuud Cilmi Gulaafe Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska G/Mudug ee Galmudug in dowladdu ay xafiis u kuur-gala xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada isku dhafka ahay ka furato magaalada Gaalkacyo.
Deegaanada Miyiga ah ee Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Bariga ayaa waxaa ka taagan xiisado dagaal isku badala mararka qaar oo u dhexeeya Maleeshiyaad ku kala abtirsada Maamulada Puntland iyo Galmudug,waxaana dowladda Soomaaliya oo Kaashaneysa labada Maamul ee halkaa ka jira ay sameysay ciidan ka kooban labad dhinac oo loogu talagalay inay ka hortagaan xiisad walba oo maleeshiyaadka soo kala dhax-gasha,waloow wali ciidamadaasi aysan sameyn tillaabo la xusikaro oo arintan ku saabsan.

