Faah-faahin:-Iska hor hor imaad Ka Dhacay Degmada Hodan+Dhageyso

0

Iska hor hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Xasilinta Caasimadda iyo Ciidamo ku labisnaa dareeska Ciidamada Dowladda ayaa ka dhacay Xaafadda Haanta Dheer Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada xasilinta ay weerar ku qaaden maleeshiyaad hub ku heystay Degmada kuwaa oo biya diiday in ay goobta isag tagaan, iyagoo dagaal kala hortagay Ciidamada Xasilinta caasimadda.

Maleeshiyaadka lagu qaaday weerarka ayaa isku uruuriyay halka loo yaqaan Haanta dheer oo ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyagoo ilaa iyo saaka ka dagaalamaaya halkaa, waxaan laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir rasaas ay isweedaarsanayeen labada dhinac.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba kaga warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here