Al-shabaab oo La wareegay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo+Dhageyso

0

Wararka  ka imaanaya Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in ay la wareegen saldhigii Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa ethopia ay ku lahaayeen degmadaas.

Dagaal xoogan oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ahaa ayay Al-shabaab ku galaeen Xiradda Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Ethopia ay ku lahaayeen Degmada Ceel-waaq, iyadoo Ciidamadii Dowladda ee halkaas ku sugnaa la sheegay in ay isaga baxeyn.

Mid kamid ah dadka deegaanka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay In dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo wata gadiiidka dagaalka ay haatan gacanta ku hayaan degmada islamarkaana Ciidmadii dowladda ay isaga baxeyn.

Ilaa haatan si dhab ah looma qasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Ceel-waaq  ee Gobolka Gedo aynu la xiriirnay  si aan arintaan wax ugu weydiino way inoo suurta gali weysay in aad qadka taleefanka ku helno.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here