Dowlada Burundi oo ka Hadashay Hadal kasoo Yeeray Ururka Midowga Africa

0

Dowlada wadanka Burundi  ayaa si kulul kaga  hadashay Hadal kasoo yeeray Ururka Midowga Africa oo ku aadanaa in ciidamo Nabad ilaalin ah la geyn doono dalka Burundi si xaalada dalkaas  ay u dajiyaan,

Afhayeen u Hadlay dowada wadanka Burundi ayaa sheegay in Madaxweynaha wadanka Burundi Nkurunziza’ uu si cad ugu soo Horjeystay Hadalkii Todobaadkii  aynu soo dhaafnay kasoo yeeray   Ururka Midowga Africa oo ku aadanaa in ururuka uu isku raacay in ciidamo Nabada ilaaliya la geeeyo Magaalada caasimada dalka Burundi  Bujumbura iyo Magaalooyinka Kale kadib weerar ka dhacay dalkaas iyo rabashado xigay weerarka kadib.

Gervais Abayeho oo ah afhayeenka Madaxweynaha dalka  Burundi Nkurunziza’  ayaa u sheegay Tv-ga Aljazeera xaruntiisa  Caasimada dalka Burundi  ee Bujumbura in aysan dowlada Burundi u baahneen Ciidamo Nabada ilaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here