Dowlada wadanka Burundi ayaa si kulul kaga hadashay Hadal kasoo yeeray Ururka Midowga Africa oo ku aadanaa in ciidamo Nabad ilaalin ah la geyn doono dalka Burundi si xaalada dalkaas ay u dajiyaan,
Afhayeen u Hadlay dowada wadanka Burundi ayaa sheegay in Madaxweynaha wadanka Burundi Nkurunziza’ uu si cad ugu soo Horjeystay Hadalkii Todobaadkii aynu soo dhaafnay kasoo yeeray Ururka Midowga Africa oo ku aadanaa in ururuka uu isku raacay in ciidamo Nabada ilaaliya la geeeyo Magaalada caasimada dalka Burundi Bujumbura iyo Magaalooyinka Kale kadib weerar ka dhacay dalkaas iyo rabashado xigay weerarka kadib.
Gervais Abayeho oo ah afhayeenka Madaxweynaha dalka Burundi Nkurunziza’ ayaa u sheegay Tv-ga Aljazeera xaruntiisa Caasimada dalka Burundi ee Bujumbura in aysan dowlada Burundi u baahneen Ciidamo Nabada ilaaliya.

