Kooxaha ka kala dhisan Horyaalada Ingiriiska iyo Spain Arsenal & Barcelona ayaa ku dagaalamaya saxiixa laacibka kooxda Inter Milan ee Horyaalka dalka Talyaaniga Marcelo Brozovic kadib markii uu burburay heshiis uu ugu dhaqaaqi Lahaa kooxda Chelsea.
Kooxda Barcelona oo ka ciyaarta Horyaalka dalka Spain ayaa aad loola xiriirinayaa saxiixa laacibka kooxda Inter Milan iyo xulka dalka Croatia Marcelo Brozovic oo xili ciyaareedkaan wacdaro ka muujinaya Horyaalka dalka Talyaaniga isagoona Kulamadii ugu dambeeyay shabaqada soo Taabanayay,
Dhanka kale kooxda arsenal ee ka dhisan magaalada London ayaa aad loola xiriirinaayaa soo xiro Galinta laacibka Inter Milan Marcelo Brozovic laakin ay si Rasmi ah u leedahay kooxda Dinamo Zagreb,

