Waxay Maanta ku beegan Tahay xuska sanad guuradii 72-aad ee kasoo wareegatay aas aaskii Ciidanka booliska soomaliyeed.
Waxaa Maanta laga dareemayaa Magaalada Muqdisho xuska sanad guuradii 72,aad ee ciidamada booliska iyadoona Xaflado loogu Talagalay sanad guurada Lagu qaban doono xarumaha ciidamada booliska soomaliyeed, waxaana ka qeyb Gali doona Madaxda dowlada soomaliya ugu sareysa sida Madaxweynaha soomaliya Xasan shiikh Maxamuud,
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada booliska Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta la Hadlay ayaa hambalyo u direy dhamaan qeybaha ciidamada booliska soomaliyeed isagoona sheegay in ay dib usoo laabatay Tayadii Ciidamada booliska Soomaliyeed,

