Dhaawacyadii la geeyay isbitaalka Madiino oo Xaaladooda Caafimaad laga deyrinayo

0

Faafaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerarkii shalay ka dhacay waddada Makkah alMukarramah  ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya,

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo kamid ah Goobaha la geeyo dadka ku dhaawacma dagaalada iyo qaraxyada  ayaa la dhigay ku dhawaad 19-qof oo kamid ahaa dadkii wax ku Noqday weerarkii ka dhacay waddada Makkah alMukarramah  ee Magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegtay Madaxa Caafimaadka Isbitaalka weyn ee Madiina, Duniyo Maxamed Cali,

Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina, Duniyo Maxamed Cali, waxa ay sheegtay in isbitaalka la keenay 19 qof, iyadoo 13 ka mid ah Tilmaamtay in la seexiyay, kuwaa oo laba ka mid ihi ay xaaladoodu culus tahay,

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala damacsanaa in lagu qaarijiyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Ciro oo xiligaas marayay agagaarka Saldhiga booliska degmada Waabari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here