Dowlada soomaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay ninkii soo abaabulay dilkii Magaalada Muqdisho loogu gaystay wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka Tirsaneed shaqaalaha wasaarada Warfaafinta dowlada soomaliya,
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, C/laahi Colaad Rooble, oo warbahinta la Hadlay ayaa sheegay in dowlada soomaliya gaar ahaan Laamaha amaanka ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan ninkii soo abaabulay dilkii Hindiya Xaaji Maxamed. Oo dhawaan qarax loogu xiray gaari ay wadatay,
Dhanka kale C/laahi Colaad Rooble, waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan saxaafada losoo Bandhigi doono ninkaan ka dambeeyay dilkii Magaalada Muqdisho loogu gaystay Suxufiyadda Hindiya Xaaji Maxamed. wallow uusan Magaciisa shaacin,
Ala ha u naxariistee Hindiya Xaaji Maxamed. Oo ka Tirsaneed wariyaasha Warbaahinta Dowladda, ayaa waxaa 3-dii bishaan lagu dilay qarax loogu xiray gaarigeedii.

