Guddiga Dib U Heshiisiinta Qaranka Soomaliya ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka socda qaybo ka mid ah Gobolada Dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Dib U Heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse oo u waramay idaacadda Simba ayaa sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalada kasoo cusbooday deegaanka Xiraale ee Gobolka Galgaduud.
Wuxuu ugu baaqay maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca in ay ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaalka kasoo cusoonadaay deegaanka Xiraale ee Gobolka Galgaduud islamarkaana wixii tabashooyin ah lagu xaliyo si wada-hadal ah.
“Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo dagaalka kasoo cusboonaday deegaanka Xiraale ee Gobolka Galgaduud waxaa ugu baaqaynaa Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna in ay ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaalkaas,hadii ay jiraan tuhumada ku aadan in Ahlusuna ay hurinayso dagaalkaas waxaa ku baaqaynaa in ay ka shaqeeyaan joojinta arintaas”, ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Dib U Heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse.
Mudoyinkii ugu dambeeyay deegaanka Xiraale ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed iyo Ciidamada Ahlusuna Waljameeca waxaan dagaalkaas lagu eedeyay Galmudug.

