Axmed Madoobe“Beesha Caalamka Diyaar Uma Ahan in Somaliya Istaagto”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha maamulka Jubba-land  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayay Tageerada beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya wuxu ka digay in ay kusii socoto qaabka hada ay tahay wuxuuna sheegay in NGO-yada loo dhiibayo mashaariicda aysan Soomaaliya dan u ahayn oo la aamino Maamulada iyo hananka Dowliga ah ee Dalka ka jira.

Beesha Caalamka ayuu Madaxweynahu ku amaanay hawsha wanaagsan ee ay Soomaaliya ka wadaan balse wuxuu xusay in taas aysan waxba taraynin hadii deeqaha ay Soomaalida ugu tala galeen ay u dhiibaan NGO-yo aan waxba u qabanaynin umada.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ka hadlay dadka ay Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah ka shaqalaysiiyaan gudaha Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay in dadka gudaha dalka wax ku bartay ay xooga saran maadama ay ogyihiin duruufaha dalka ka jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here