Madaxweynaha Galmudug oo Maanta La Kulmaya Madax Ka Socota Ahlusuna

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta ku Wajahan Deegaanka Mareer-guur ee Gobalka Galgaduud Halkaasi oo uu kula kulmayo Madax ka socota Maamulka Ahlusuna ee fadhigiisu yahay Magaalada Dhuusa-mareeb.

Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda Ahlusuna ayaa kulan koodaan waxa ay diirada ku saarayaan Xalinta Khilaafka ka Dhexeeya Labada dhican iyo sidii Ahlusuna ay uga mid noqon la haayeen Maamulka Galmudug Sida ay Xaqiijisay Madaxtooyada Galmudug.

Warar Idaacada Simba ay ka heshay Madaxtooyada ku meel gaar ka ah ayaa sheegaya in Wafdiga Madaxweyne  Xaaf Maanta Gaari doonaan Si ay Ahlusuna uga wada hadlaan Mustaqbalka Gobalada Dhexe inkastoo Madaxtooyada ay ka gaabsatay inay Faah-faahin ka bixiso Cida uu Sida gaarka ah uu ula Kulmayo Madaxweyne Xaaf iyo Dhamaan Qodobada looga hadlayo Kulankaasi.

Dhanka kale Madaxda Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna oo aanu Xiriir la Sameynay waxa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan Wararka Sheegaya kulanka dhexmaraya Galmudug iyo Ahalusuna.

Madaxweyne Axmed Ducaale ayaa horey u sheegay in joojiyey Soo xulada Gola Wasiiro oo Cusub islamarkaan uu dib u soo Celiyey Wasiiradii hore si uu Waqti badan ugu helo Wada hadalo u socda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here