Howlgalo Baaritaano ah oo Maanta laga Sameeyay inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada afgooye

0

Ciidamada Hey’adda Nabadsugida Iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ciidamada amisom Africa ee amisom ayaa Maanta Howlgalo lagu sheegay in lagu Baadi Goobaayo ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab waxa ay ka sameeyeen inta  u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo degmada afgooye

Dhaqdhaqaaqa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo degmada afgooye ayaa Hakad Galay saacado intuu   howlgalka uu socda waxayna ciidamada ay Baarayeen Guryaha ku yaala inta u dhaxeyo Muqdisho iyo degmada afgooye iyo Gadiidka isticmaalayay wadada

Dhanka kale Ilaa Hada lama ogo cida lagu soo qabqabtay Howlgalka Maanta laga sameeyay inta U dhaxeysa Muqdisho iyo degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose

Marar Badan waxaa Holwgalo laga sameeyay inta u dhaxeysa Gobolka shabeelaha Hoose iyo Gobolka Banaadir waxaana Howlgaladaas lagu sheegay kuwa lagu xaqiijinaayo amaanka dalka

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here