Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

0

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda Dalka Kenya kullan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.

Kullanka oo ay madaxweynaha ku wehliyeen xubno Wasiiro ah oo katirsan xukuumadda Puntland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub kawado Puntland iyo xoojinta xiriirka kawada dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka kala hadlay in deeqaha cusub ee Midowga Yurub Soomaaliya ugu talagalay Puntland saamigeeda la siiyo , maadama ay Puntland si habsami leh uga soconayaan mashaariicyo horumarineed oo waxtar uleh bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso ayaa isna dhankiisa balan qaaday in Midowga Yurub ka go’antahay in Puntland oo ah dhul nabad ah ay ka fulinayaan mashaariicyo horumarineed oo horleh .

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn Midowga Yurub uga mahadceliyey is garab taagii shirkii Wadatashiga ee Gaalkacyo ka qabsoomay.

Hoos Ka Daawo Sawiro;-

11240481_10153671639397458_6209798348498736955_n12096623_10153671639972458_765971178162155867_n12118726_10153671640372458_4720101845043975500_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here