Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Maanta Halkaasi ay siyaaba kala duwan uga dhaceen qaraxyo kala duwan oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.
Magaalada Marka ee Xarunta Shabeelaha hoose ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay qaraxa sida lasheegay lala beegsaday Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana wararku intaa ku darayaan in qarxaasi askartii la beegsaday uu kasoo gaaray waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac waloow aan si dhhab ah loo xaqiijin inta uu le egyahay.
Dhinaca Kale Warar aan ka helnay Deegaanka Golweyn oo isna ka mida deegaanada hoos yimaada Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijinaya inuu halkaasi ka dhacay qarax aan la ogeyn Cidda sida rasmiga ah loola beegsaday.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose oo aan xiriiro kala duwan la sameynay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ay ka bixiyaan qaraxyadaan maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxyadaan ayaa ka mid noqonaya qarayo muddooyinkaan dambe ka dhacayey Deegaanada Shabeelaha Hoose kuwaasi oo lala beegsanayey Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM.


Abdi Quuri liked this on Facebook.