Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C.rasaaq Cumar oo ka Mida Wafdi dowladdu ay u Xilsaartay Xal ka Gaaridda Dagaalada ka dhacayey Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda ay heer gabgabo ah marayso Waan-waanta laga dhaxwado beelaha ku dagaalamay Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wasiirka ayaa sheegay inaysan hadda Muuqan in awood dowladeed lagu xalliyo Dagaalka Baladweyn wada furan ayuu sheegay in ay tahay in Xalka Colaadahaan loo maro waan waan iyo Wada hadal.
C.rasaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in Xalka intiisa badan lagaaray inta dhimanna ay Xukuumadda Soomaaliya oo kaashanaysa Waxgaradka Gobolka Hiiraan ay dhameeynayaan Waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey in Mardambe aysan Soo laaban Colaad la mida middii ka dhacday Magaalada Baladweyn.
Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maalmihihii lasoo dhaafay Waxaa Ka Socday Dagaallo beeleedyo Sababay Qasaarooyin isugu jira Dhimasho,Dhaawac,Burbur hantiyadeed iyo Waliba Barakac Saameyn Xooggan ku yeeshay Nolosha Kumanaan danyara oo ka mid ahaa Dadka Ku noolaa Magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan Waxaana Dagaaladaasi ka dib Dowladda Soomaaliya ay Wafdi u dirtay Magaaladaasi si ay Xal uga Gaaraan Dagaalka Halkaa ka dhacay.

