Ciidanka Dowladda oo Qabtay Kooxo Burcad ah.

0
DCIM100MEDIA

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Xuseen Shiino oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfurgalbeed ay tiro Maleeshiyaad ah ay gacanta Ku dhigeen Kuwaasi oo uu sheegay in ay ku guda jireen dhicidda dadkarayidka ah iyo gaadiidka ay wataan ee isaga kala goosha deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.
Waxaa uu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid qorsheysan oo Ciidanka Nabad-sugiddu ay ka sameeyeen Deegaanno hoosyimaada Magaalooyinka Marka,Afgooye,Leego iyo deegaanno kale oo gobolkaasi ka tirsan Islamarkaana ay gacanta ku dhigeen dad Ciidanku si gaara ay u goobayeen.
Ciidanka Dowladda Soomaaliya ka tirsan ee howlgalka Sameeyey ayuu sheegay in ay gacanta ku dhigeen in ka badab 8-ruux oo uu tilmaamay in ay ka mid ahaayeen Kooxaha dadka iyo gaadiidka ku dhicijiray Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose laguna soo wareejiyey Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose dhawaanna ay Maxkamad soo taagayaan.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Shiine oo sii hadlayo ayaa sheegay in sooqabashada kooxahaan ay gacanweyn ka deysteen Shacabka Gobolka oo uu sheegay in ciidanka ay u fududeeyeen in gacanta lagu dhigo raggaan lasoo qabtay.
Maalmihii dambe Ciidanka Dowladda ayaa Gobolka Shabelaha Hoose ka waday Howlgal ay ku baadigoobayaan Kooxo dhac u geysta Gaadiidka Rakaabka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here