Waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Woqooyi ka dhacay banaanbax loogu soo Horjeeday nidaamka 4.5 in lagu saleeyo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka
Banaanbaxa waxaa kasoo qeyb Galay Bulshada ku dhaqan Magaalada gaalkacyo dhanka woqooyiga iyagoona watay boorar ay ku qornaayeen waan diidnay in doorashada laga dhigo nidaamka 4.5 iyo ereyo kale.
Maamulka Puntland iyo Jubbaland ayaa doonaya in Doorashada ka dhaceysa 2016 in lagu saleeyo Habka Degmooyinka halka Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay doonayaan in Doorashada lagu saleeyo 4.5.
Madaxda shirka ka qeyb Galaysa ayaa wali isku qilaafsan nooco doorasho soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka xili goor dhaweyd Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirka loogu Hadlaayay arimahaas






