Maxamed C/laahi Farmaajo oo ka Hadlay Shirka loogu Hadlaayo doorashada Soomaliya ka dhacaysa

1

Raisulwasaarihii Hore ee soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo la Hadlay warbaahinta  ayaa ugu baaqay shacabka soomaliyeed in aysan ogolaanin wax aysan raali ka aheyn xili Madaxda soomalida ay ka Hadlayaan sida ay Noqon doonto doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka,

Mudane Farmaajo waxa uu sheegay In  Bulshada caalamka marka ay dareemaan wax Qatar ku ah Mustaqbalka caruurtooda inay kacaan oo ay muujiyaan Dareenkooda isagoona shacabka soomaliyeed ugu baaqay in  sidaas  oo kale ay sameeyaan.

Dhanka kale Raisulwasaarihii Hore ee soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo waxa u sheegay in ay wanaagsanaan laheyd in bulshada soomaliyeed la weydiiyo nooca doorasho soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda shirka loogu Hadlaayo nooca doorasho ee soomaliya ka dhacaysa xili Madaxweynayaaasha Maamulada Puntland iyo Juba-land ay qabaan fikirka ah in doorashada soomaliya laga dhigo nidaamka deeganka, Halka Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay qabaan in doorashada laga dhigo nidaamka 4.5

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here