Sarkaal ka Tirsan Ciidamada dowlada Soomaliya oo lagu dilay Magalada Beledweyne

0
DCIM100MEDIA

Sarkaal ka Tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya ayaa Lagu dilay Magaalada Beledweyne kadib markii rasaas uu ku Furey mid kamid ah meeleeshiyo beeleedka Magaalada Beledweyne.

Sarkaalka la diley ayaa Magaciisa Lagu sheegay Maxamed muumin wuxuuna kamid ahaa saraakiil ciidamada dowlada soomaliya oo saakay kala dhaxgalay ciidamada  meeleeshiyo beeleedka maalmihii dambe ku dagaalamayay Magaalada Beledweyne ee Gobolka hiiraan gaar ahaan Galbeed Magaaladaas,

Magaalada Beledweyne waxaa shalay gaaray wasiirka amniga Gudaha xukuumada soomaliya C/risaaq Maxamed cumar isagoona ku guuleystay in uu kala qaado meeleeshiyo beeleedka maalmihii dambe ku dagaalamayay Magaalada Beledweyne,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here