Macalinka Xulka dalka chile Jorge Sampaoli ayaa sheegay in Riyadiisa ay tahay in uu Noqdo macalinka xulka dalka Argentine maalin kamid ah waayihiisa macalinimo,
Jorge Sampaoli oo 55-sano jir ah ayaa xulka dalka chile la wareegay xili ciyaareedkii 2012-dii isagona xulka dalka chile kula guuleystay koobka Copa America bishii July kadib markii ay Finalka ay ku garaaceen xulka dalka argentine,
Waxa uu sheegay in doorashada dhacaysa Bisha soo socoto uu go’aansan doono hadii uu Noqon doono macalinka xulka dalka argentine iyo hadii kale. xili sidoo kale lala xiriirinaayo shaqada kooxda Swencity.

