Kheyre:-“Shirkadaha Dalka ayaa Naga Hortaagan Dagaalka Musuqa iyo Al-shabaab”,

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya aysan xal u heli karin dhammaan caqabada xiligaan taagan sida musuq-maasuqa iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

Sida lagu daabacay wargeyska faafiya wararka ku saabsan Sirdoonka africaintelligence.com Reer galbeedku waxa ay ka cabsi qabaan in Muqdisho aanay xal u heli karin dhammaan arrimahaasi mar qura.

Kulan bilowgii bishii July dhexmaray mas’uuliyiin ka kala socda Britain, Norway iyo Midowga Yurub, Kheyre wuxuu qiray inay ku adag tahay la dagaalanka musuq maasuqa iyo inuu horumariyo howlaha canshuur uruurinta guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana uu farta ku fiiqay qaar ka mid ah ganacsatada gudaha oo ay ku jiraan Ahmed Mohamed Yusuf, Guddoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud telecom Soomaliya,  Mohamed Yusuf Ahmed Alore, Guddoomiyaha Salaam African Bank iyo Abdirashid Duale, Maamulaha Xaawaaladda  Dahabshiil.

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay xalka u arko la jooojiyo qodobadaan , si loo xoojiyo awoodda dowladda, waayo taasi waxa uu nidaamka canshuuraha ka dhigayaa mid aad waxtar u leh.

Ra’iisul wasaaruhu waxa uu si lama filaan ah u sheegay in ganacsatada Soomaliyeed ay canshuur dheeraad ah ay siiyeen Al Shabaab, kana badan tan ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka qaaddo. “

“Waxaana uu u arkaa taageeridda qarsoon ee dagaalayahanada Al Shabaab in ay ka dhigan tahay qalqal gelinta deganaanshaha dowladda, hor istaageysana in sharcigu sarreeyo. taasi waxay keentay in ragga muuq-muuqda ee  ganacsatada ay ka gaabiyaan bixinta xaqqa dowladdu ku leedahay”, ayuu yiri Kheyre.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here