Ciidamo ka socda dalka Uganda kana mid ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa soomaaliya ee AMISOM ayaa soo gaaray magaalada Mogadishu kuwaa oo lagu badalay guutada 19 ee ciidamada ururka midowga Africa oo muddo sanad ah ka howlgalayay gudaha dalka soomaaliya.
Ciidamada ka ambabxay garoonka aadan cade ee magaalada Mogadishu ayaa loo qabtay xaflad sagootin ah taa oo uu soo agasimay taliyaha qeybta ciidamada Uganda Brigadier Kayanja Muhanga ee hoostagta howlagalka AMISOM waxaana ay ka sooo howl galeen magaalada Marka ee gobalka shabeelaha hoose.
Taliyaha howlgalka ciidamada Uganda ee AMISOM ayaa waxa uu tilmaamay in xaalado adag oo dagaalo iyo abaaro ah ku howlgaleen intii ay howlgalkooda ku jireen isagoo sheegay in ay ku guuleesteen waajibaadkooda nabad ilaalineed ee soomaaliya u yimaadeen.
Ciidamadan Uganda ee qeybta ka ah howlagalka AMISOM ee soo gaaray gudaha dalka ayaa dagaal lageli doona dagaalyahanada Xarakada Al shabaab iyagoo kabar bar dagaalamaya ciidmada dowlada federalka soomaaliya , waxaana sidoo kale ay gacan ka geesan doonaan isu furka wadooyinka xeran si dadka abaaruhu saa meyn loo gaarsiiyo gargaar bii’aadanimo.






