Weerar Lagu Qaaday Deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Weerar isugu jirey Cirka iyo dhulka ayay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa DANAB ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ay ku qaadeen deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelaha hoose halkaas oo Saldhig ay ku leeyihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Weerarkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in diyaarad kuwa Helicopterka loo yaqaano ay Ciidamo ku daadisay duleedka deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelaha hoose, islamarkaana Ciidamada ay gudaha u galeen deegaanka, waxaa la xaqiijiyay in isku hor imaad xoogan ay kala kulmeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay weerarka Lagu qaaday deegaanka Tiira-toorow ee Gobolka Shabeelaha hoose, oo saldhig ay ku leeyihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Ma ahan markii Ugu horeysay ay Ciidamada Mareykanka ay kuwa Soomalida ay weerar ku qaadeen deegaankaas, waxaa sanadkaan bilowgiisa weerar lagu qaaday deegaankaas lagu dilay Askari Mareykan ahaa.

Dhanka kale ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab, Dowladda Soomaliya iyo Maamulka Mareykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here