Wali waxaa kacsan xaalada Maglooyinka dhuuso Mareeb iyo gurceel kadib markii Habeenimadii xalay magaalooyinkaas Lagu arkay ciidamo ka Tirsan kuwa maamulka ahlusuna waljameeca.
Ciidamada ka Tirsan kuwa maamulka ahlusuna waljameeca ayaa ku sugan wadooyinka Magaalooyinka dhuuso Mareeb iyo guceel Iyo saldhigyada Magaalooyinkaas ku Yaala, dhaqdhaqaaqa magaalooyinkaas ayaa Hakad ku jira saakay,
Dhanka kale dadka xabsiga ay dhigeen Maamulka ahlusuna ayaa sii kordhaya kadib markii 20-qof oo kamid ahaa dadkii ku nool Magaalooyinka dhuuso Mareeb iyo gurceel ay xabsiga dhigeen kuwasoo ay ku eedeeyeen in ay Taageero u ahaayeen Maamulka Galmudug ee gobolada dhexe ka dhisan,
Wali wax Hadal ah kama soo bixin Maamulka ahlusuna waljameeca ay kaga Hadlayaan ciidamada aadka u Faraha badan ee ku sugan Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Gurceel.


Yuusuf Abdi Hassan liked this on Facebook.
Abdi Quuri liked this on Facebook.