Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Madaxda Hay’adaha Inso iyo Unsom+Sawirro

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 July 2017 Qasriga madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Madaxa hay’adda INSO ( international NGO safety Organization) Mr. Marcos Ferreiro ee wadamada Soomaaliya, Kenya, Nigeria, iyo Cameroon iyo Madaxa hay’adda UNSOM xafiiskeeda  Puntland mr Haward Bell.

Kulankan ay yeesheen Madaxweynaha iyo labadani masuul ayaa lagaga wadda hadlayey arrimo la xidhiidha gorfaynta warbixino si khalada ay ugud biyaan hay’addo ka shaqeeya gudaha degaanada  Puntland, kuwaasi oo caadeystey inay xaaladd been abuura ka sheegan amniga iyo xasiloonida ka jirta Puntland.

Arrinkani ayaa imanaya kadib markii shirkii Golaha Wasiiradda Puntlaand  06 July 2017 kasoo sareen go’aan ah inaanay hay’adahaasi kasii shaqayn gudaha Puntland, waxaana ay golaha xukuumada  Puntland isla shirkaasi fariin adag ugu direen hay’adaha ka hawlgala gudaha Puntland inaanay aaminin wararka been abuurka ah ee ay usoo gudbinayaan hay’addaha war xuma tashiilka caadeystey.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in aanay marnaba Puntland aqbalayn wax kasta oo wax yeelaynaya sumcadda, sharafta, cisiga iyo karaamada  Puntland iyo shacabkeeda, isla markaana aan loo ogolaan doonin inay kasii shaqeeyaan gudaha Puntland cidii ku dhaqanta falalka been abuur ka ah iyo kuwa xanbaarsan ajandayaasha gaar ka ah, huwanna siyaasaddo dana gaara leh.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay hay’addaha ka beriga ah arrimahaasi inaanay marna aqbalin, qaadana beentaasi cad ee lagu wax yeelaynayo shaqadooda.

 

==DHAMMAAD==

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here