IOM:-“136 Qaxooti Soomaali ah ayaa Laga Soo Celiyay Dalka Yemen”,

0

Hay’adda socdaalka qaramada midoobay u qaabilsan ee IOM ayaa sheegtay in gudaha dalka soomaaliya dib loogu soo celiyay 136 qaxooti soomaali ah oo ku noolaa gudaha dalka Yeman waxaana hay’adu ay tilmaamatay in doonyo iyo maraakiib lagu soo qaaday dadkan soomaaliyeed ee dalka dib loo keenay.

Waxaa IOM ay sheegtay in 100 kamid ah dadkaasi ay ka badbaadeen doontii gantaalka lagu weeraray ee ku sugneed xeebaha Xudeydiya ee dalka Yeman halkaa oo 40 qufood ay ku dhinteen iyadoo 13 kale oo soomaali ah ay ku dhaawacmeen.

12-kii  july ee sanadkan waxaa saddex bas iyo Ambulance loo diray magaalada Sanca si ay u soo daad gureeyaan qaxootiga soomaaliyeed oo la keenay magaalada Cadan sida ay sheegtay hay’ada socdaalka iyo qaxootiga ee qaramada midoobe,halka 15-kii  july ee sanadkan 103 qof oo soomaali ah la keenay isla magaalada cadan.

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobe ee UNHCR ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in kaalin muhiim ah ay ka qaadatay  dib u soo elinta qaxootiga soomaaliyeed eek u noolaa dalka Yeman oo dagaalo xoogan ay ka socdaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here