Madaxweynaha Puntland oo La kulmay Wasiiradii Xasaanada Laga Qaaday

0

Madaxweynaha  Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali(Gaas) ayaa maanta xarunta Madaxtooyadda ee Magaalada Garoowe kula kulmay Golihii wasiirada ee xasaanada laga qaaday, waxaa uu ahaa kulan laga soo horumariyey kii todobaadlaha ahaa ee caadiga ahaa.

Inkasta oo aysan Madaxtooyadu aysan sidii caadiga ahayd kasoo saarin kulankaasi war-murtiyeed, hadana waxaa wararka la helayo sheegayaan in looga hadlay waxa dhacay iyo tillaabada xigta ee uu qaadi doono Madaxweynaha  Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali(Gaas) ee magacaabista Wasiiradda.

Dhanka kale kulanka ayaa la sheegay in madaxweyne Gaas uu u sheegay Wasiirada inay shaqada sii wadaan inta ay imanayaan Golaha wasiirada cusub ee iyaga bedeli doona, islmarkaana madaxweynha uu bilaabi doono latashiyada kua adan magacaabista wasiiradda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here