Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dhamaan maamulada iskuulada Magaalada Los Angeles ee dalkaas lagu armay in ay xireen dhamaan iskuulada kadib markii laamaha amaanka dalkaas ay haleen xogag muujinaya in weeraro lagusoo qaadi rabo iskuulada dalkaas,
Ku dhawaad 640,000- oo arday ah oo wax ka baranaysay schoolada Magaalada Los Angeles ayaa lagu amray in ay guryahooda joogaan madaama dhamaan schooladaas dalkaas la xiray sida lagu sheegay war kasoo baxay FBI-da dalka Mereykanka,
Dhanka kale FBI-da dalka Mereykanka ayaa sheegtay in ay heshay warar sheegaya in ay jiraan kooxo daacish ka Tirsan oo doonaya in weeraro ay ka fuliyaan xarumaha waxbarashada dalkaas gaar ahaan iskuulada wax lagu baro caruurta Yar yar.

