War Deg Deg: Dhamaan Iskuulada Magaalada Los Angeles oo la Xiray

0

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dhamaan maamulada iskuulada Magaalada  Los Angeles ee dalkaas lagu armay in  ay xireen dhamaan iskuulada kadib markii laamaha amaanka dalkaas ay haleen xogag muujinaya in weeraro lagusoo  qaadi rabo iskuulada dalkaas,

Ku dhawaad 640,000- oo arday ah oo wax ka baranaysay schoolada Magaalada  Los Angeles  ayaa lagu amray in ay guryahooda joogaan madaama dhamaan schooladaas dalkaas la xiray sida lagu sheegay war kasoo baxay FBI-da dalka Mereykanka,

Dhanka kale FBI-da dalka Mereykanka ayaa sheegtay in ay heshay warar sheegaya in ay jiraan kooxo daacish ka Tirsan oo doonaya in weeraro ay ka fuliyaan xarumaha waxbarashada dalkaas gaar ahaan iskuulada  wax lagu baro caruurta Yar yar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here