Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa Tiro Hoobiyayaal ah waxa ay ku garaayaceen qeybo kamid ah degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Dhowr Madaf ay soo tureen Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku dhaceen Tuulo la yiraahdo Kor-kaamaray oo ku taala wadada xiriirisa Magaalooyinka Saakow ee Jubada Dhexe iyo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Inta la xaqiijiyay 7-ruux ayaa ku dhaawacantay hoobiyayaasha dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku weerareen qeybo kamid ah Degmada Baardheere ee Gobolada Gedo.
Taliyaha Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ilaa lix hoobiye ay soo tureen Al-shabaab islamarkaana ay ku dhaceen kaam ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen in raggaan ay baacsaadaan islamarkaana ay ku raad joogaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

