Akhriso:-Xal Laga Gaaray Dhibaato Ciidamada Jabuuti Ka Geysteen Jalalaqsi

0

Degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waxa mudooyinkii ugu dambeeyay ka socday kalamo duwan oo u daxeeyay Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti ,Xildhibaano iyo waxgaradka Degmadaas,waxaana laga soo  saaray kulamadas xal ku aadan dhibaatadii ay geysteen Ciidamada Jabuuti oo Sagalka Bishaan Julay 2017 Magaalada Jalalaqsi ka geystay dhacdo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle,waxgaradka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana diirada lagu saaray sidii xal loogu gaari lahaa dil ay Ciidamada Ethopia dhawaan ka geysteen degmadaas.

Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Mashaqadii ka dhacday Magaalada Jalalaqsi Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa Sheegay in la’isla gaaray Go’aano labada dhinac ay ku qanceen.

Shirar kala duwan oo Labadii Maalmood ka socday Magaalada ayaa ugu danbeyn waxaa laga soo saaray Qodobadaan.

  • Madaxda Ciidamada Jabuuti ee Ku sugan Gobolka Hiiraan oo qaatay dhibka ka dhashay dhibaatadii ay geysteen.
  • Xiriir joogto ah oo wada sameyaan Waxgaradka iyo Madaxda Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada.
  • Wax kasta oo tabasho in lagu Xaliyo Wadahadal.
  • In Ciidamada Jabuuti ay ka fogaadaan wax walbo oo keeni kara isku dhac Bulsho.

Dhawaan Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dil u geystay dad shacab ahaa oo ku sugnaa Degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana jirtay dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay xiisad arintaas ka dhalatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here