In ka badna 20-Xildhibaan oo ka Tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkii Eng C/xakiin Xaaji Cumar(camey) in ay ku fashilmeen dhawr qodob sida bixinta dhaqaalaha Amniga lagu sugo,Daryeelka Ciidamada Maamulkaas iyo Qorshe la,aan ka jirta xaalada guud ee Amaanka.
Kulanka shalay oo uu Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka maamulkaas ayay xildhibaanada waxa ay si kulul kaga hadleeen sida loo dayacay amniga Magaalooyinka Maamulkaas sida Garoowe iyo Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo lagu dilay mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad ka Tirsan shacabka Puntland dilalkaas oo ay geysteen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Xildhibaanad ayaa u gudbiyay Guddoonka sare ee Baarlamaanka maamulka puntland in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kaga aqbalaan mooshin ay ka diyaarin doonaan C/wali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkii Eng C/xakiin Xaaji Cumar(camey), isamarkaana xasaanada ama kalsoonida laga qaado labada Mas’uul.

