AMISOM ayaa beenisay warar ay baahiyeen qaar kamid ah idaacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho oo ku aadan in mid kamid ah Gawaarida AMISOM Haweeney Uur Laheyd uu ku jiiray Duleedka Magaalada Muqdisho.
War saxaafadeed ka soo baxay Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa lagu sheegay in 9-kii bishan July kolonyo ciidan oo ay lahaayeen qarax miino dhulka lagu asay lagula eegtay agagaarka deegaanka Arbacow oo qiyaastii 20KM waqooyi galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
AMISOM Waxa ay sheegtay in gaariga qaraxa lala beegsaday uu soo gaaray burbur xoogan, islamarkaana uu askari ka Tirsan Ciidamada AMISOM uu ku dhaawacmay qaraxa.
AMISOM waxa ay sidoo kale sheegtay in qaraxa markuu dhacayay Haweeneyda ay ku sugneed meel aan sidaas ugu fogeyn Laamiga deegaanka Arbacow oo qiyaastii 20KM waqooyi galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, islamarkaana wayeelada soo gaartay ay aheyd qaraxa firirka ka dhashay.
Waxay sidoo kale sheegeen AMISOM in dhaawaca markuu soo gaaray kadib Haweeneyda ay u qaadeen mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Muqdisho, balse waxay wax laga xumaado ku tilmaameen wararka ay idaacadaha Muqdisho ay baahiyeen ee ku aadan in Ciidamada AMISOM ay toogteen Haweeneyda Uurka laheyd markuu qaraxa dhacay kadib.
Horey Ciidamada AMISOM ayaa u diley dad shacab ahaa xiliyadda qaraxyadda lagula eegto wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya.

