Galeyr:-“Guul Lagama Gaari Doono Wadahadallada u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland”,

0

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay wadahadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Madaxweyne Galeyr ayaa sheegay in aan marnaba guul laga gaari doonin wadahadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyadoo aan  wax laga badalin sida ay haatan wax u socdaan waa siduu hadalka u dhigee.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in hadii Shan Sano oo hadda dhiman uu sii socodo wadahadalka xitaa aanu natiijo ka imaaneynin, illaa loo wadahadlo Koonfur iyo Waqooyi.

“Haddii ay wax dhaleyso Koonfuir iyo Somaliland baa wadahadlaya mar hore ayeey dhali lahayd, Shan sano kale hadii lagu noqnoqdo Turkiga waxbo ma imaanayaan, laakiinse marka loo hadlo waqooyi iyo Koonfur waxaa laga yaabaa in la isku fahmo wadahadal, markii aan helno Somaliland oo la wada leeyahay oo aan cidna cidda kale ka xigin, awoodna ugu sheegan waa macquul in natiijo laga gaaro wadahadallada”ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Maamulka Somali-land ayaa is hor fadhiisan doono dhawaan xili wada-hadalka uu mar kale ka dhici doono Magaalada Istanbul ee Caasimadda dalka Turky-ga oo dhowr jeer oo hore lagu qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here