Maamulka Somali-land ayaa ka warbixiyay howlgal lagu qabtay dhalinyaro Tahriibiyaal ah xili ay doonayay in ay u gudbaan dhanka magaalada Boosaaso ee Gobolka bari.
Taliyaha Laanta Socdalka Gobolka Sanaag Gashaanle Siciid Cige Maxamed ayaa sheegay in ciidanka laanta socdaalka ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro ka soo tahriibtay gobolada Somaliland oo doonayay In ay u dhafaan magaalada boosaaso.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanku gacan bir ah ku qaban doonaan cidkasta oo isku Dayday in ay tahriib kudhaafto gobolka,waxaana uu sheegay in ciidan ku filan gobolka oo ilaalin kara isku socodka ay ku sugan yihiin.
“Ciidanka Laanta socdaalka somaliland waxa uu maamulaa cidkasta oo waddanka sharci darro ku soogalaysa iyo cidkasta oo waddanka sharci darro ku joogta,waxaana ay ciidanku ka hawl galaan bariga sida xuduudaha,kaantarooladda iyo waliba Eriboodka,waxaanan u xilsaaranahay Sugida Soo Galootiga”, ayuu yiri Taliyaha Laanta Socdalka Gobolka Sanaag Gashaanle Siciid Cige Maxamed
Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Sanaag ayaa ka warbixiyay saddexdii bilood ee ugudanbeeyay hawl-galadda ay ka bilaabeen gobolka tirade dadka tahriibaya ee ay soo qab-qabteen ,wuxuuna sheegay in dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay la qab-qabtay dhalinyaro doonaysa in ay u gudbana dhanka Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari si ay halkaas kaga sii Tahriibaan.
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in talaabo adag ka qaadi doonaan dhalinyaro kasta oo lagu qabto falal laxidhiidha tahriibka waxaana uu digniin u diray cidkasta oo hadda ku hawlan falalka dhiig baxa ah ee tahriibka.

