C/rashiid Xidig:-“Maamulka Somali-land Haloo Aqoonsado Dal Madax Banaan”,

0

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa daaha ka qaaday sirta dahsoon ee ku aadan ku tagri falka Hantida Qaranka ee ay ku kaceen Madaxda sare Dowlada Soomaaliya taasi oo sida uu tilmaamay  ka muuqata  Miisaaniyada Sanadkaan ee la soo hordhigay Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Xidig ayaa Sheegay in Madaxda Dowlada ay Hantida Qaranka ku iibsadeen Gaadiid Nuuca Raaxada iyo Kuraas Qaali ah oo ay ku Sharaxdeen Xafiisyada ay ku Shaqeeyaan wax uuna Gudoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka ka dalbaday inay baaritaan dhab  ah ay ku Sameeyaan Arintaasi.

Xildhibaan C/rashiid Xidiga ayaa soo hadal qaaday qaabka ay u qoran tahay Shaxda Dowladda Dhexe ,Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ay u qeybsadeen Miisaaniyada dhaqaale ee dalka waxaa uu xusay liiska aan lagu soo darin Soomaaliland oo u Taagan Gobalada Waqooyi ee  26-june sanadkii 1960-kii Xoriyada ka qaatay gumeystihii Ingiriiska haatana Siyaasad ahaan gooni iskaga Taagay Soomaaliya inteeda kale.

Mudane Xidig ayaa ku baaqay in Liiska Maamul Gobaleedyada lagu soo daro Soomaaliland si dadka ku Nool Gobalada Waqooyi ay u helaan Xaquuda ay ku leeyihiin Miisaanida Dowlada Federalka Soomaaliya ama Dowladdu ay soo Cadeyso  in Soomaaliland ay u Aqoonsan tahay Wadan ka Madax Banaan Soomaaliya.

Dowladda uu Hogaamiyo Mdaxaweyne Farmaajo ayaa Horey u Balan-qaaday inay la Dagaalamayso Musuq-maasuqa, waxaan ay Sheegtay in uu kordhay Daqliga soo galay Dowlada, hayeeshee korarkaasi dhaqaale ayaa ka Muuqayn Miisaaniyada Sanadkaan Wasaaradda Maaliyada ay u gudbisay Baarlamaanka taasi oo ka hoosaysay Lacag Dhan  289,072-Doollar (Labo Boqol Sideetan iyo Sagaal kun iyo Todobaatan iyo Labo Doollar), Miisaaniyadii Sanadkii 2016-kii ee ay meel Mariyeen Baraalamaankii 9-aad.

Marka lays Bar-bar-dhigo hadaladii uu Baarlamaanka ka horjeediyey  Madaxdweyne Farmaajo ee ahaa inay korartay Boqolayda Daqliga Dowladdiisa oo bilo koban Dhisan iyo Lacagaha Faraha Badan ee hadan ka Maqan Miisaaniyadda Dowlada Sanadka 2017,sida ku Cad kumanaanka Doollar ee ay ka hooseyso Miisaaniyadii Sanadkii 2016, tan ayaa Faddeexad weyne  oo la Xiriirta Musuq-Maasuq lagu Sameeyey ku Hantida Qaranka Soomaaliyeed ku noqonaysa Dowlada Madaxwyene Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here