Waxgaradka Gobolka Mudug oo Sheegay in Gobolkaas Lagu Dilay 14 Qof  

0

Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa sheegay in heshiiski Gaalkacyo kadib Gobolkaas lagu dilay 14 Qof  islamarkaana 200 oo Halaad lagu dhacay.

Nabadoon Aloore oo kamid ah Waxgradka Gobolka Mudug ee dhanka galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho, ayaa sheegay in heshiiska magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug in uu ahaa mid dhibaato ku noqday Shacabka Gobolka Mudug, madaama la diley 14 Qof  islamarkaana 200 oo Halaad lagu dhacay.

“Heshiiska Gaalkacyo ay ku gaareen madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug kadib waxaa Gobolka mudug lagu dilay 14 Qof ,200 oo Halaad waa lagu dhacay,Shacabka Magaalada gaalkacyo dhibaato ayay ku jiraan, kaliyah wasiiro labada dhinac ka kala socdo ayaa ku kulmay Magalada, Natiijadda mawada gaarin”, ayuu yiri Nabadoon Aloore oo kamid ah Waxgradka Gobolka Mudug.

kadib Heshiiskii Gobolka Mudug ay kuwada gaareen Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Madaxweynihii iscasilay ee C/kariin  Xuseen guuleed,waxaa jirey dhibaatooyin ay la kulmayeen Shacabka Gobolkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here