Gaas oo Sheegay Ganacstada aan Canshuurta Bixin in Al-Shabaab Yihiin

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas ayaa digniin u direy Ganacsatada Maamulkaas ee Canshuurta siisa dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab,islamarkaana u diiday Maamulkaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ogtahay Ganacsato Magac Leh oo Canshuurta si aan baryo aheyn ku bixisa,siisana Al-shabaab,wuxuuna sheegay in hadii Ganacstada Puntland ay diidaan canshuurta in Maamulkiisa uu talaabo qaadi doono.

“Waan Ognahay kuwa diidan bixinta Canshuurta,ee Maamulka Shideynaya in qaarkood ay Al-shabaab siiyaan Canshuurta,baan ognahay, inta loo yimaado xitaa lama baryo lama yiraahdo canshuurta bixiya,Taleefan baa loosoo diraa Taleefan bey ku bixiyaan,marka nin raba shabaab in uu siiyo Canshuuta uu bixiyo,dowladana u diidan Macneedu maxay tahay?Micnaheeda waxaa weeye Shabaab waa idil karaa, Laakin Dowladda Ima dili karto, imana xiri karto,marka maxay rabaan kuwaan in sidii Al-shabaab in Puntland ay u dhaqanto,qof diidan nabadgalyada,horumarkiisa, oo diidan in uu canshuurta bixiyo ogolna in uu Shabaab Siiyo, anaga kaas shabaab ayuu noola mid yahay”, ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xili Todobaadyadii ugu dambeeyay ay xirnaayeen Gobaha ganacsi ee Magaalada Boosaaso,kadib markii ganacstada ay diideen in ay bixiyaan Lacagaha Canshuurta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here