Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaaliga ah Xasan Cali Khayre oo weheliyaan xubnahaGolaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islan ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo dhacawaqooyiga magaalada kismaayo, halkaas oo isaga darsamaan Wabiga Jubba iyo Badweynta India, waxana uu R’aiisul Wasaaruhu la kulmay qeybaha bulshada ee ku dhaqan deegaanka Goobweyn.
Wafdiga Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya ayaa sidoo kale tagey Jaamacadda Kismayo oo xarun u ah Ciidanka Isku dhafan ee Dawladda, waxana uu kuladar-daarmay Ra’iisul Wasaaruhu in laga shaqeeyo danta guud, ciidankuna ay u diyaar garoobaan sido deeganada ay maamulaan shabaablooga xoreyn lahaa.


