Somali-land oo Beenisay in Qaliin Lagu Sameeyay Axmed Siilaanyo

0

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Maamulka Somali-land Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada hargeysa ee caasimadda maamulkaas kadib markii afar toddobaad oo uu kumaqnaa dalka Imaaraadka Carabta .

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulkaas iyo Shacabka Magaalada Hargeysa.

Madaxtooyada  Maamulka Soomaaliland ayaa faahfaahin ka bixisay warar ku aadan in madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Siilaanyo qaliin lagu sameeyay Kadib markii muddo bil ah oo ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah, islamarkaana howlo gaar ah uu u tegay Imaaraadka si nabad ahna uu ku soo laabtay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here