Midowga Afrika oo Shaki Galiyay Balan Qaadka Mareykanka Dagaalka Al-shabaab

0

Gudoomiyaha Ururka midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa su’aal geliayay balan qaadka mareykanka ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah ururada loogu yeero argagixisada ee ka dagaalama qaarada Africa kadib markii dowlada mareykanka ay cadaadis ku saartay qaramada midoobay in la joojiyo  isku day ururka midowga Africa uu ku doonayay taageerida   qaraashaadka ku baxa la dagaalanka kooxaha jihaadiyiinta ee ka dhisan qaarda Africa oo qaramada midooba ay bixiso.

Gudoomiyaha ururka midowga Africa oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa walaac xoogan ka muujiyay kooxha jihaadiyiinta ee ka dagaalamaya dalalka qaarada Africa isagoo xusay in gobalka ay ka jiraan dagaalyano Qatar ku ah dalalka ay ka howlgalaan.

“Ma fahamsanin sida mareykanka uu ku doonayo in uu dib kaga noqdo  dagaalka ka dhanka ah la dagaalanka argagixisada.” Sidaasi ayuu ugu waramay wakaalada AFP,hogaamiyaha ururka midowga Africa.

Dowlada mareykanka ayaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee taageerada siiya howlgalka  nabad ilaalinta midowga africa  AMISOM ee soomaaliya ka dagaalanta.

Waxaa hogaamiyaha ururka midowga africa uu sheegay in uu rajo wanagasan ka qabo maamulka cusub ee dowlada mareykanka wada shaqeyn dhaw  iyo in laga taageero dalalka africa sidii ay kaga gudbi lahaayeen caqabadaha hor yaala oo dagaalada kooxaha islaamiyiinta ay kamid yihiin isagoo ka codsaday in aan hoos looo dhigin dhaqaalaha howlgalka mdiowga africa oo AMISOM-ta soomaliya ay kamid tahay.

Bishii aynu ka soo gudubnay golaha amaanka ee qaramada midooby ayaa soo dhaweeyay howlgalinta ciidamo military ah oo la geeyay wadanka galbeedka saxara laakiin qaramada midoobay ma sheegen in taagerada ay siin doonaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here