Puntland oo Qabatay Shaqsiyaad Ku Biiri Rabay Ururka Daacish

0

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa maanta qabtay 14-ruux oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen  Xarakada Al-shabaab, kuwaasi oo Ciidamada ka qabteen deegaano Cuun oo ka Tirsan Gobolka Nugaal.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labo kamid ah dadka la qabtay ay yihiin dumar halka midna uu yahay Ajanabi kasoo jeeda dalka Yemen,waxayana ku safrayeen gaari yar oo ah kuwa Soomalida ay u taqaano(Propox), waana gaari qaada 4-qof balse waxaa la sheegay in dadka ay dusha iska fadhiyeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Labada Dumar ay ka baxeen Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, si ay ugu biiraan dagaalyahanada Daacish ee ku sugan buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Taliska Madaxtooyadda Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay In arintaan y baaritaano ku wadaan islamarkaana ay ku daba jiraan rag la sheegay in ay u fududeeyeen dadkaan qorshaha ku biirista Daacisha,balse la fashiliyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here