Labada dagaalyanaho ee xarakada al shabaab iyo Kooxda ISIL ayaa baaritaan ku haya laba hogaamiye oo katirsan kooxaha burcad badeeda soomaalida waxaana baaritaankan wada qaramada midoobe iyo dowlada mareykanka
Mohamed Garfanji oo ah hogaamiye isku xira shabakdo burcad badeed ah fadhigiisuna yahay dagmooyinka Hobyo iyo xardheere ayaa lagu eedeeyay taageerida xarakada al shabaab iyo kooxda daacish ee soomaaliya ka dagaalanta waxaana sidoo kale lagu eedeeyay in uu hubka ka soo gudbiyo biyaha gacanka cadmeed, sida televisonka mareykanka ee CNN uu sheegay.
Garfanje ayaa sanadii 2012 looga shakiyay in uu afduubtay wariye lagu magacaabo Michael Scott Moore, waxaana ilaa imika uu fuliyaa weerarda burcad badeeda sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqul insaanka iyo urarada buracad badeeda.
Television-ka CNN ma uunan xusin magaca hogaamiyaha kale ee burcad badeeda kaa oo taageera dagaalyanada ISIL kuna taageera hubka waxaana uu ku luglahaa weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay biyaha gacanka cadmeed ee u dhaxeeya soomaaliya iyo Yeman.
Hay’ada ilaalida badaha ayaa sidoo kale sheegtay in sanadii 2016-kii aan la diiwaan gelin wax afduub balse ay dhaceen 27 dhacdo oo ay fuliyeen kooxaha burcad badeeda.
Balse Ururka OBA ayaa intaa ku daray in 12 weerar ay ka dhaceen xeebaha soomaaliya kuwaa oo kooxaha burcad badeeda ay ku qaadeen maraakiib shisheeye.

