Maamulka Hir-shabeelle Oo Xabsiga Dhigay Maamulayaal Iskuul

0

Ciidamada Nabadda Maamulka Hir-shabeelle ayaa Xabsiga Dhigay maamulayaasha 7 Iskuul oo ku yaala magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkaas kaddib markii ay tageen deegaan ay maamulaan Xarakada Al-Shabaab.

Maamulaayaasha Xabsiga la dhigay ayaa la sheegay  in la xiray, xilli ay magaalada ka soo galayeen koontaroolka galbeed ee magaalada Jowhar, islamarkaana ay haatan ku xiran yihiin Saldhiga Dhexe ee Magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in maamulayaasha iskuulada ku yaalla Jowhar maalmo ka hor Al-Shabaab ugu yeereen deegaanka Gamboole oo 40KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Jowhar, ayna kulamo la soo qateen Al-shabaab.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ee Hir-shabeelle ayaa wali ka hadlin xariga Maamulayaasha Iskuulada lagu eedeeyay in ay la kulmeen Al-shabaab.

Deegaanka Gamboole ayaa xarun waxa ay u tahay Al-Shabaab, waxaana dadka ku nool Jowhar iyo hareerihiisa ay u aadaan arrimo dacwo la xiriira dhul, iyo arrimo kale, halkaasoo ay ku taalo maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab oo dacwadaha qaada.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here